Latest News

Wasaarada Arimaha Dibeda Kenya Oo Si Diiran Usoo Dhaweysay Weftiga Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, December 13, 2020 (Haatufonline) – Weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa gaadhay caasimada dalka Kenya ee Nairobi, galabnimadii maanta.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyey Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Dibada Kenya oo uu horkacayo Mr Munya, sida lagu sheegay qoraal Wasaarada Arimaha Dibada Kenya ay soo dhigtay bogga ay ku leedahay Twitter-ka.

Kaas oo lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi inuu kulan wadahadal ah uu la yeelanayo maalinta isniinta Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay ka wadahadli doonaan xidhiidhka iyo danaha labada dal ee qaangaadhka ah.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaad ee Hoggaamiye Somaliland ahi uu ku yimaado dalka Kenya, waxaanu daba socdaa mid la mid ah oo Daahir Rayaale uu ku yimid sanadkii 2006. Ayaa lagu yidhi qoraalka Twitter-ka ay soo dhigtay Wasaarada Arimaha Dibada Kenya, taas oo intaa ku dartay in Somaliland ay tahay saaxiib muhiim ah oo ku yaala Geeska Afrika, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo Alshabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*