Latest News

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kulan Lagaga Hadlay Adkaynta Nabadgalyada Gobolka Sool La Yeeshay Haldoorka Laascaanood

Laascaanood, January 11, 2023 (Haatufonline) – Weftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axme,ayaa saaka kulan Ballaadhan la qaatay Madaxda dhaqanka iyo Haldoorka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Kulan oo ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sool, ayaa waxaa lagu falanqeeyey sidii looga wada shaqayn lahaa adkayn Amniga Magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba Gobolka Sool, iyadoo laga wada shaqaynayo ama la iska kaashanayo Xukuumadda iyo Bulshada Magaalada Laascaanood ba, sidoo kale waxaa lagaga wada hadlay kulankan Horuumarka Gobolka Sool.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfaham, iyadoo la isla qaatay in meel looga soo wada jeesto wixii wax u dhimaya nabadgelyada iyo wada jirka bulshada. Kulankan waxaa ka qaybgalay Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha MaxamedKaahinAxmed, Gudoomiyaha Gobolka Sool, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka JSL, Maayorka Degmada Laascood, Xildhibaano iyo dhammaan Taliyayaasha Ciidanka ee Gobolka Sool.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*