Latest News

Alshabaab Oo Xoolo Dhaqatada Ceel-Xeero Ee Hiiraan Ka Laysay 350 Neef Oo Aargudasho Ah

Baladweyne,January 12,2023(Haatufonline)-Kooxda Alshabaab ayaa rasaas ku furtay oo laysay 350 neef oo adhi ah tuulada Ceel-Xeero oo qiyaas ahaan ilaa 20 km dhinaca bari ka xiga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa sida la sheegay aheyd mid ay Alshabaab kaga aargoosanaysay xoolo-dhaqatada deegaanka kadib markii laga war helay weerar Shabaabku damacsanaayeen inay la beegsadaan ciidamada Macawislayda iyo dawladda ee ku sugan aagaasi. Ashabaab ayaa reer guuraagi jiidaasi degganaa ku tilmaamtay inay ridoobeen oo ay tahay in iyaga iyo xoolahoodaba la laayo iyadoo ay u tirinaya inay iyagu warkaasi siiyeen ciidamada Macawislayda iyo dawladda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*