Latest News

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyey Taliye Xijaar

Muqdisho, April 27, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Amniga Gudaha Somalia Cabdilaahi Maxamed Nuur yaa shaqo joojin ku sameeyey Taliyaha Booliska Somalia Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirku oo xalay uu soo saaray.

Warqadan shaqo joojinta Taliyaha Booliska Somalia ayaa lagu sheegay in markii wasiirku uu arkay khatarta iyo xasilooni darada uu dalku ku sugan yahay ee abuurtay hubanti-la’aanta dhamaystirka doorashada oo uu sabab u yahay Taliyaha Booliska Somalia.

1. Waxaa shaq joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi
Xasan Maxamed, laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022.

2. Waxaa si KMG ah hogaanka Cidanka Booliska usii wadaya Taliye kuxigeenka Cidanka Booliska
Soomaaliyeed.

3. Wasirku waxaa u farayaa saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasada gar ahaan arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri.

4. Wasiirka Amnigu waxaa ku wargelinayaa Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaanada sharafta leh in ay u madaxbanaan yihiin goorta, Goobta qabashada doorashada Guddoonka Golaha.

Connect with us on Facebook