Latest News

Rooble Oo Ciidamada ATMIS Ku Amray Inay La Wareegaan Amaanka Teendhada Iyo Farmaajo Oo Gaashaanka Ku Dhuftay

Muqdisho, April 26, 2022 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray ciidamada ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone, kahor doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee berri.

Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota,” ayuu Rooble ku yidhi qoraal uu soo saaray.

“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka,” ayuu yidhi Rooble.

“Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.”

Dhinaca kale Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo qoraal lid ku ah ka Raysal Wasaaraha soo saaray ayaa gaashaanka ku dhuftay arintaasi, waxaanu sheegay inuu Hawlgalka ATMIS uu ku adkaynayo inuu ku shaqeeyo habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran iyo dardar gelinta dhamaystirka doorashooyinka si waafaqsan heshiishkii 17 Sebteembar.

 

Connect with us on Facebook