Latest News

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland Amb. Lizzia Walker

Hargeysa, July 24, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Ciise Kayd iyo Wasiirka Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed ayaa kulan la qaatay Safiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Ambassador Lizzia Walker.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay amniga guud ee mandaqada iyo sida Jamhuuriyadda Somaliland ay qaybta uga tahay xasiloonida guud ee geeska Afrika iyo wada jirka bulsho.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa safiirka ugu xog-waramay Nabadgelyada buuxda ee Jamhuuriyadda Somaliland ka jirtaa, taasoo saldhig u ah Dawladda iyo shacabkeeda oo wada jira.

Ugu danbayntii waxaa laga wada hadlay doorashooyinka soo socda ee ay ka mid tahay Doorashada ururada oo dhowaan la filayo in ay dalka ka qabsoonto iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa laga wada hadlay iskaashiga Dawladda Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska ee dhinaca horuumarka iyo nabadgelyada.

Connect with us on Facebook