Latest News

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Shacabka JSL Ku Wargaliyey Inay Ka Fogaadaan Dooxyada/Biyo-Mareenada

Hargeysa, May 1, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu hambalyo Ciidal-fidriga awgeed u diray shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibedba, Wasiirku wuxuu shacabka Somaliland u rajeeyey in sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan Bash Bash iyo Barwaaqo.

Wasiirka ayaa shacabka Eebe uga baryey in uu ka wada aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bisha Ramadaan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa bulshada ugu digay in ay ka fogaadaan meelaha dooxyada ah ama biyo mareenka, taasoo uu Wasiirku ku adkeeyey khatarta ka iman karta waqtigan Roobka meelaha dooxyada ah ee ay dadka qaar degan yihiin, isaga oo Wasiirku kula taliyey in ay ka fogaadaan goobahaas.

Sidoo kale Wasiirka ayaa bulshada ku adkeeyey ilaalinta nabadgelyada iyo in ciidamada nabadgelyada loo hogaasamo maalmaha ciida ee ay hawshu badan tahay.

Ciid Wanaagsan dhammaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuurta kale ee muslimiinta ahba.

Connect with us on Facebook