Latest News

Wasiirka Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Oo Qaabishay Madaxa Hay’adda DRC

Hargeysa, July 13, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismail Baandare oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cabdikariim Aadan Cade iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha ee Wasaaradaasi ayaa maanta xarunta Wasaaradda Deegaanka ku qaabiley Madaxa Haayadaha DRC ee Somaliland Audrey Crawford iyo Saraakiil kale oo ka socotay Haayadaasi.

Kulankan ayaa intii uu socday lagaga hadlay dhibaatooyinka deegaanka, saamaynta Isbadelka Cimilada iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashadooda, isla-markaana loo xoojin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda iyo Haayada DRC.

Haayada DRC ayaa ah Haayadaha sida dhaw ula shaqeeya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedleka Cimilada Somaliland.

Kulankaas ayaa ku soo idlaaday jawi is afgarad.

Connect with us on Facebook