Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Socdaal Ku Tagay Dalka Kenya

Nairobi, July 15, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa socdaal ugu baxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku gudo jiro socdaalka Kenya waxa uu la kulmi doona dhiggiisa dalkaasi Uhuru Kenyatta, oo ay  ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay VillaSomalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, waxeyna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Connect with us on Facebook