Latest News

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Sheegay In Dhawaan La Soo Celin Doono Xasiloonida Laascaanood, Dibna Ay U Riixeen Ciidamadii Puntland Ka Socday.

Laascaanood, April 5, 2023 (Haatufonline) – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan Amniga gobolka Sool, isla markaana ay dib u riixeen Ciidamada Huwanta ee Puntland.
Mr Caayeeye, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Twitterka, kaas oo u dhignaa sidan “Ciidanka Somaliland ee ku sugan gobolka Sool ayaa si buuxda gacanta ugu haya amniga deegaanka gobolka Sool. Ciidamadeenu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadkii, waxaana dhawaan la soo celin doonaa xasiloonida magaalada Laascaanood.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*