Latest News

Halkuu Ku Dambeeyey Dhawaaqi Dawladda Shiinaha Ee Dhex-Dhexaadinta Coladaha Geesku

Haatufonline April 4,2023.
● Shir Jaraaid oo uu Mambaasa ku qabtay bishi January 2022 ayaa wasiirka arimaha dibadda ee Shiinaha Mr Wang Yi waxa uu iclaamiyey qorshe uu dalkiisu ku doonayo inuu wax kaga qabto coladaha ka jira Geeska Afrika isla markaana gacan kaga gaysanayo horumarka mandaqadaasi. Waxa yar kadibna waxa uu Ergay Gaar ah u magacaabay Geeska Afrika. Inkastoo uu markiisa horeba jiray xidhiidhka balaadhan ee uu Afrika la leeyaay, hadana talaabadan cusub marka la eego waxa la odhan kara in Shiinuhu u usoo qayshaartay mandaqada Geeska si aanay colaadaha ka jiraa u waxyeelaynin danaha badan ee dhaqaale iyo ganacsi ee uu ku leeyahay dalalka Geeska gaar ahaan Kenya,Ethiopia,Koonfurta Sudan iyo Djibouti oo uu maalgalin culus galiyey diyuun farabadanina kaga maqanyahay.

Hadaba ilaa xiligii ay dawladda Shiinuhu ku dhawaaqday dadaalkeedan cusub ee ku tacaluqa nabadda,maxaa ka hirgalay?
Runti dawladda Shiinuhu waxay muddo dheer kusoo dhaqmaysay siyaasad ah in dalna aanu faragalinin shuumaha dal kale iyo waxa gudahiisa ka dhacaba. Waxaanay u eegtahay ilaa hadda in siyaasaddaasi aan wax badani iska badalin oo aanu Shiinuhu wali diyaar u ahayn inuu ka badheedho in uu si dhab ah u dhex galo ( formulative mediation) dhinacyada colaaduhu ku dhex marayaan dalalka Geeska balse ay kaalintiisu ay ku koobantahay uun inuu fududeeyo ( facilitation ) isu-imaatinka dhinacyada is-haya si ay u wada hadlaan oo kaliya,iyadoo dadka dhaliila qorshahan Shiinuhu ay ku tilmaamaan in aanu dhaafsiisnayn mid uu Shiinuhu ku ilaashanayo nabadgelyada goobaha uu mashaariicdda ka hirgalinayo iyo muwaadiniinta Shiinaha ah ee ka shaqeeya waayo ilaa hadda lama hayo colaad ka jirtay Geeska oo lagu soo afjaray dhexdhexaadin uu Shiinuhu sameeyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*