Latest News

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Tababar Mihiim Ah U Furay 80 Qasneji Oo Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga

Hargeysa, September 17, 2020 (HaatufOnline) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta Tababar Mihiim Ah U Furay  80 Qasneji Oo  Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga, Kuwaas oo 60 ka mid ahi Dumar yihiin, isla markaana ka kala yimid Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland.

Tababarkan oo ah kii u horeeyey ee noociisa ah ee loo qabto Qasnajiyadda Cashuuraha Berriga ayaa loo sameeyey  Nidaam habraac shaqo oo cad oo ay raacaan, iyadoo halkaasi lagu gudoonsiiyey dhamaantood buuga Hagaha Qasnejiyadda.

Sidoo kale waxa madashaasi lagu soo bandhigay System casri ah oo iswada (automated App) oo isku xidhaya dhamaan cashuuraha gaadiidka sida wado-maris, kala-wareejinta iyo bileydhka cusub, kaas oo qalab casri ah lagu isticmaalayo, kuna xidhan xogta gaadiidka dalka oo dhan, isla markaana  mustaqbalka fariimo gaar ah  oo cashuuraha ah loogu diri doono, lagulana xidhiidhi doono dhamaan gaadiidleyda dalka oo dhan.

Ugu horayn Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Dr Scad Cali Shire ayaa ka waramay muhiimada tababarkani uu leeyahay, waxaanu yidhi “Xisaab oo dhami waxa ay martaa saddex gacmood. Waa Xisaabiyaha, Kaashiyeerka iyo auditor-ka. Saddexdaa ka ugu muhiimsani waa Kaashiyeerka, hadii kaashiyeerka wax ka qaloocdo xisaabiyuhuna ma toosin karo, auditor-kuna ma toosan karo.

Kaashiyeerku sidii la doonayey inuu hawsha u qabtay iyo in aanu u qabanin, waxay ku xidhan tahay inuu raacay standards-kii loo dhigay iyo in kale.

Markaa waxaad raacaysaan standards-ka, xisaabtuna idinka xumaan mayso, waxna idinkaga soo noqon maayaan, Imtixaankii hore waad gasheen, dabadeed tababarkii ayaa ku xiga, markuu dhamaadana waxa ku xiga imtixaankii kale. Qof kasta oo ka soo qaybgalay wuu u qalmaa inaanu ku amaano oo aanu ku hambalyeyno, shahaadadana waa la siin doonaa Insha Allaahu bi idmilaahi kariim, waxaan idin rajaynayaa tababar wanaagsan,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*