Latest News

Culimada Iyo Qaranka

By. Haykal Muxumed Cabdi

Abbaaraha 2005 mar ahayd, ayaan maalin maxkamad u raacay dad dacwadi u dhexaysay. Maxkamadda Islaamiga ah ee Hargeysa ayay ahayd. Maxkamaddu dabaq yar oo suuqa dhexdiisa ku yaalla ayay qol ama laba qol kaga jirtey. Culimada goobta joogtay waxa aan ka xusuustaa Sheekh Dirir, Sheekh Jannagale, Sheekh Carab iyo Sheekh Maxamed Cali-Gadhle. Waxa la xaqayey nin dhinaca aan la socday ka tirsan oo ilig laga riday, nabarro bogsadayna hore loogu geystay. Sheekh Dirir oo aan qiyaasayo in uu guddoomiyaha maxkamadda ahaa –ayaa sidii dhakhtar ilkaha ah (dentist) –ninkii ilkihiisa fiirfiiriyey. Waxa kale oo ay isla eegeen nabarradii bogsaday, ka dibna waxa ay ku dhawaaqeen xaqii lagu yeeshay cidda dhibta geysatay. Waa la isla oggolaaday. Waa in warqad heshiisku ku cad yahay oo rasmi ah maxkamaddu qortaa. Halkan ayay hawli ka bilaabantay.

Inta badan culimada, maaddaama iimaankooda Somaliland hooseeyo ama aanay lahaynba, waxa ay cinwaanka warqadda ku qoreen Jamhuuriyadda SOOMAALIDA! Oday caaqil ah oo dhinaca xaqa lagu yeeshay ka socday ayaa dabadeed buuq iyo dood bilaabay. “adeer waa maxay jamhuuriyaddan Soomaalida iyo waxan aad nala soo gasheen? Jamhuuriyadda Somaliland ku qora, mise maba aamminsanidin…?” Sheekh Carab oo warqadda teeb gareeyay ayaa isaguna kula murmay: “adeer magaca iska dhaaf oo heshiiska akhri, haddii aad oggolaatayna saxeex.”

Odaygii yaraa ayaa hadalkii sii kululeeyey, culimadiina in ay qarannimada ka soo hor jeedaan ku eedeeyey. Mid askari ah (malaha askari shacab ah ayuu ahaaye) –oo gadh weyn oo dirays xidhani halkan ha ka soo baxo. “adeer buuqa jooji oo warqadda saxeex, haddii kale meesha ka bax,” askarigii baa yidhi. “waar adigu miyaanad askari qaran ahayn, oo waxan miyaanad arkayn?” odaygii baa dib u su’aalay. Dabadeed askarigii iyo dhawr qof oo kale oo meelahan iska taagtaagnaa ayaa odaygii mar la wada hadlay. “adeer qaran lahaane warqadda…” “waar culimada culimada…” “adeer meesha buuqa kala tag, waa maxkamade…” waxaas oo hadal ah odaygii uma debcine dooddiisii ayuu ku adkaystay. Halkaa kolka ay marayso, ayuu oday dhankayaga ka socday dooddii ku soo af jaray: “adeer ninkan faraha ka qaada, xaqa lagu yeeshay in uu bixiyo ayaanu diyaar u ahayne.” Waxaanu sii raaciyey hanjabaad ah: “haddii ay galabta kula gaadho, oo aad haysan karto, hayso…waar inna keena!”

Odaygii qarannimada difaacayey ayaa mar keliya is beddelay, isaga leh: “waar keena warqadda aannu idiin saxeexnee, qaranna dooni maynnee!” heshiis baa lagu kala tegay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*