Latest News

Nidaamka cashuurta GST ee laga hirgalinayo Somaliland oo Ku jihaysan wax ka qabashada adeegyada bulshada

Haatufonline,July 3,2026

Somaliland ayaa hirgalinaysa nidaamka GST(Goods &Services Tax) ee cashuurta ku waajibta adeegyada wax-kala-iibsiga ay dawladda u qabanayaan meheradaha ganacsiga laftoodu. Heerka cashuurtan oo markii hore
ahaa 5% ayaa hadda la dhimay oo laga dhigay 2.5% ,taasoo ay dawladdu ku tilmaamtay talaabo culayska lagaga khafiifinayo dadwaynaha iyo ganacsatadaba.

Sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdillahi Xasan Aadan mar uu Arbacadii dhawayd ka hadlayey arintan, dakhliga kasoo xerooda cashuurtan oo laga qaadi doono hababka wax lagu kala iibsado, ayaa noqon doona sanduuq cusub oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada,biyaha iyo amniga ,taasoo dadweynaha u saamixi doonta inay si muuqata u arkaan faa’idada cashuurta ay bixiyaan, lana socdaan kolba halka la gelinayo.

Nidaamkan GST oo qorshaysnaa inuu hirgalo kowdii bishan ayaa dib loo dhigay toban maalmood arimo farsamo awgood,waxaanu bilaabmi doonaa 11/7/2026.

Wasiirka Maaliyadda oo sharaxaad ka bixinaya nidaamkan ,ayaa waxa uu yidhi
“Sababta ugu wayn ee dib u dhigida keentay waxay tahay,in ganacsatada qaarkood aanay wali farsamo ahaan uugu diyaar garoobin hirgalinta nidaamkan, waxa seh muhiim ah in bulshada iyo ganacsataduba fahmaan inaanu nidaamkani aheyn cashuur cusub oo lagu kordhinayo bulshada ,balse yahay nidaam dibu habayn ah oo lagu dhimayo,lana sal balaadhinayo cashuurta, isla markaana lagu casriyeynayo habka ururinta dakhliga.”
Wasiirku waxa kala oo uu sheegay in arintan ay keentay baahi loo qabo in la helo muddo kooban gudaheed oo lagu mideeyo, lagu saxo ,laguna habeeyo dhamaan ganacsatada si cashuur qaadistu u noqoto mid caddaalad iyo hufnaan ku dhisan isla markaana si siman loogu wada dhaqmo.
Nidaamka GST ayaa la filaya in uu la jaanqaado oo lagu fuliyo hababka ganacsi ee maanta dalka ka jira, gaar ahaan adeegyada lacagaha elektaroonigga sida Zaadka,Edahab iyo lacagaha iibsiga ee la isaga diro laba xisaabood dhexdood (account to account) sida wallets-ka Premier Bank,Amal Bank,IBS Bank iyo hababka kale ee wax lagu kala iibsado.

Marka la eego cashuuraha iibka iyo adeegyada ee ka jira dalalka gobolka waxa ugu heer hoosaysa ta Somaliland laga qaado oo ah 2.5% ,halka ay Ethiopia gaadhsiisantahay 15% ,Jabuuti 10% Kenya 16%, Uganda 18%.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*