Latest News

Waxaanu Saaka Qabanay Shan Baabuur Oo Kuwa Dagaalka ah iyo Maxaabiis” Taliye Mahad Cambaashe

Laascaanood, February, 28, 2023 (Haatufonline) – Saaka subaxnimadii ayay kooxaha huwanta ahi ee Puntland,Argagixisada iyo maleeshiyada nabadiidka ah ay soo weerareen fadhiisimada CQSL ay ku leeyihiin Galbeedka iyo Bariga magaalada Laascaanood. CQSL waxay dhurbaaxo kulul ku dhufteen cadowgii ku soo duulay waxayna ka qabteen 5 gadiid dagaal ah oo ka kooban 1suu,2Sikaawe,1Boroon,1Dhashiike ah iyo 23 Maxbuus. CQSL waxay difaacayaan sharafta dadkooda reer Laascaanood oo cadow aanay iska garanayni oo horumarkooda iyo noloshooda u quudhi waayey ku soo duuleen, sidoo kale CQSL waxay difaacayaan xuduudaha dalkooda iyo dadkooda. Anigoo ku hadlaya afka CQSL waxan dhalinyarada la khalday ugu baaqayaa inay Ciidankooda qaranka isu soo dhiibaan inta nin danlihi dhiigooda ku macaashi lahaa.

TQ7-aad ee CQSL Sareeye Guuto Mahad Canbaashe

                 -Wa billaahi towfiiq-

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*