Latest News

Waxay Burburiyeen Ceelashi,Baraagihi & Isgaadhsiinti Xili Ay Dadka Ku Habsatay Abaar Iyo Macaluul Ba’ani

Muqdisho,September 1,2022(Haatufonline)-Iyadoo lagu jiro xili ay abaar iyo macaluul ba’ani ku habsatay meelo badan oo ka mid ah dhulka Somalia ayaa hadana kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ku kacday talaabadi ugu arxandarada badnayd ee ay baryahan qaadaan kadib marki ay gubeen tiro badan oo ceelal iyo baraago ah oo ku kala yaala gobalada Hiiraan iyo Galguduud.Waxa kale oo ay burburiyeen taawarradi isgaadhsiinta ee ku yaalay deegaano ka mid ah labadaas gobol.
Tuulooyinka ay gubeen waxa kamid ah Maarsa-Mage,Qaayib,Dhumoodle,Cada-Kibir,Dhisaq-Shurufle iyo Cali Wayd oo ku yaala gobolka Galguduud iyo deegaanka Ceel Cadde ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

Talaabadan ay Alshabaab ku burburisay ceelashi biyaha ee dadka ku nool goobaha kor ku xusani ay kaga badbaad lahaayeen haraadka iyo macaluusha ayaa waxa loo arkaa aargoosi qaawaan oo ay Alshabaab ula badheedhay shacabka goobahaasi ku nool kadib marki ay dadweynaha Hiiraan iyo Galguduud is-abaabuleen oo ay dagaal kala hortageen argagixisada si ay uga safeeyaan deegaanadooda iyadoo maleeshiyada Macawislayda ah ee laga abaabulay Hiiraan iyo Galguduud ay dhawaan khasaara balaadhan gaadhsiiyeen xoogaga Alshabaab isal markaana deegaanno kala duwan ka saareen, oo ilaa iyo waqtigan xaadirka ahna ay socdaan dagaalo dhex maraya Macawislayda iyo argagixisada Alshabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*