Latest News

Weerar Cirka Iyo Dulka Ah Oo Maanta Sh/Dhexe Lugu Dilay 40 Xubnood Oo Alshabaab Ah

Muqdisho,December 1,2022(Haatufonline)-Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo sartay dawladda Somalia, waxa maanta gobolka Shabeelada Dhexe ka dhacay weerar cirka iyo dhulka ah oo lala beegsaday goob ay isku urursadeen dagaalyahanada kooxda Alshabaab. Weerarkan oo ay qaadeen maleeshiyada Macawislayda iyo kuwa dawladda Somalia oo xagga duqaynta cirka ay ku taakulaynayaan saaxiibada Somalia, ayaa waxa la sheegay in Alshabaab lagaga dilay ilaa 40 xubnood halka ay tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen. Ma jiro ilaa hadda war kasoo baxay ururka Alshabaab oo ku saabsan arintan .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*