Latest News

Wefti Uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Jabuuti

Hargeysa, December 23, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu ambo baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal iyo danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial