Latest News

Xaalka Somalia:Xildhibaano Hal Gobol Matalaya Oo 2 Meelood Lagu Kala Doortay 2 Meeloodna Lagu Kala Dhaariyey

Muqdisho,April 25,2022(Haatufonline)-Waxa galabta magaalada Muqdisho lagu qabtay 2 munaasabadood oo lagu kala dhaarinayey 2 kooxood oo midkiiba ka koobantahay 16 xildhibaan kuwaasoo lagu soo kala doortay tuulooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaaray ee kuwada yaala gobolka Gedo iyadoo labada kooxoodba ay isku haystaan matalaada gobolka Gedo oo loo qoondeeyey inay kasoo baxaan 16 xildhibaan oo kaliya oo kolkaas ka mid noqda aqalka hoose ee baarlamanka Somalia.
Dhacdadan la yaabka lehi waxay markale muujinaysa in dalki la odhan jiray Somalia uu waa hore noqday meel ay dadkeedi gabeen oo aan Cidina u Maqnayn Ceelna u Qodnayn.

Connect with us on Facebook