Latest News

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Socdaal Ujeedadiisu Tahay In Somalia Ay Ku Biirto Dalada Bulshada Bariga Afrika Ku Tagaya Tanzania

Muqdisho, July 20, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), sida lagu sheegay war qoraal ah oo caawa ka soo baxay VillaSomalia.

Dalladdan Bulshada Bariga Afrika ee ay Somalia doonayso inay ku biirto ayaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo kala ah Kenya, Tanzani, Uganda, Burundi, Ruwanda, South Sudan iyo Congo, kuwaas oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaadhan kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Waxa kale oo lagu sheegay warka ka soo baxay VillaSomalia in Dowladda Soomaaliya ay codsiga ka mid noqoshada dalladdan ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.
Shirka kulankan oo 300 oo ka qaybgalayaal ahi ay iman doonaan ayaa waxa lagaga hadlidoonaa, in la qaado tillaabooyin istiraatijiyadeed oo wax looga qabanayo dib-u-dhacyada iyo caqabadaha hab maamuuska suuqa guud ee dalalka ku bahoobay EAC, iyo sidoo kale, in lagu heshiiyo meelaha muhiimka u ah iskaashiga horumarka ganacsiga.

Connect with us on Facebook