Latest News

Xasan Sheekh Oo Magacaabay Ergay Aanay Oolin Wax Uu Ka Shaqeeyaa.

Hargeysa, April 1, 2023(Haatufonline)-Madaxwaynaha Somalia ayaa maanta nin Damuljadiid ah oo la yidhaa Cabddikariim Xuseen Guuleed u magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Somaliland.
Xukuumadda Somaliland oo hore wax uga tirsanaysay Xasan Sheekh ayaa aad uga cadhootay magacaabistan siday noo xaqiijiyeen ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada Hargeysa.
Dawladda Maraykanka ayaa war-saxaafadeed shalay soo saartay oo ku saabsanaa arinta Laascaanood waxay ku sheegtay in xukuumada Xasan Sheekh ay lahayd abaabulkii iyo ambabixintii  odayaashii reer Somalia ee dhawaan booqday magaalada Laascaanood taasoo fajac iyo amakaag ku noqotay xukuumadda madaxweye Muuse Biixi oo iyadu odeyaashaasi u arkaysay in aanay dhexdhexaad noqon karin maadaama ay intooda badani ka koobnaayeen xubno gacan saar la lahaa nidaamkii Farmaajo oo ay Somaliland ku eedayso inuu gacan ku leeyahay hurinta colaadda ka taagan Laascaanood.
Dawladda Somaliland ayaa waxa kale oo ay ka war heshay in Xasan Sheekh uu Safiirka Maraykanka Larry Andre ka codsado in Somaliland culays diblumaasiyadeed lagu saaro sidii ay ciidankeeda uga saari lahayd gobolka Sool ee beelaha Somaliland wada dagaan.

Hadaba waxa aan shaki ku jirin in dawladda Somaliland aanay aqbali doonin Ergayga Gaarka ah ee Somaliland uu madaxweyne Xasan Sheekh magacowday taasoo ka dhigi doonta qof aanay oolin wax uu ka shaqeeyaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*