Latest News

Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Madaxweyne Biixi Cadeeyo Waxay Ka Soo Wada Hadleen Madaxweynaha Soomaaliya

Hargeysa, (Haatuf) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cadeeyo waxay ku soo wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa lagu soo heshiiyey ee kaligood ku soo wada hadleen.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Khaddar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in aanay dadku aqbali Karin warbixintii wasiirka arrimaha dibada Somaliland ku tilmaamay kulankii labadda mdaxweyne ee uu sheegay inay ku kulmeen uun xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo madaxdii Afrika isku macaasalaamaynayeen.

“madaxweynaha Somaliland waxa uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, wasiirka arrimaha diabdda Somaliland siduu uga hadlay kulankaasi wax dadku gayaan maaha, inuu yidhaahdo wasiirkii dhamaa xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiay oo madaxdu isku sii macaasalaamaynayso ayuun baanu ku kulannay, xafiiska Raisal wasaaruhu maaha istaankii basaska xaafadaha u kala baxa ay dadku si aan kutalagal ahayn iskaga soo horbixi jireen, waa xafiis nidaam dawladeed leh cid aanay iskugu tallogalin inay is arkaana aanay is arag, taasi waxay muujinaysa inay wax ay qarinayaan oo ay dadayaan ay jirto ama wax ay yidaahdaan aanay garanayn.”ayuu yidhi Khadar oo dhaliilayey warbixintii uu ka sheegay wasiirka arrimaha Dibada Somaliland kulankii labada madaxweyne.

“Waxaanu doonayna in aynu ogaano ajandaha kulanku muxuu ahaa, maxa laga wada hadlayey, maxay ahaayeen qorshaha ay iyagu la tageen, maxa ka soo baxay kulankaasi, maxa la isku soo afgartay, halkee looga dhaqaaqayaa, qarankan hore socodkiisu sir maaha ee waa in dadka lala wadaagaa”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in arrimaha khuseeya qaranimadda inay waajib tahay inay ka soo qaybgallaan daneeyayaasha Somaliland iyo xisbiyada qaranka maadaama oo ay qaranka ka mid yihiin.

Xoghayaha guud waxa uu xusay in aanay wali cadeyn waxa lagu soo wada hadlay iyo waxa lagu heshiiyey waxay tahay.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in hoos u dhac weyni ka jiro arrimaha dibadda iyo halkii madaxweyneyaashii hore gaadhsiin jireen qadiyadda Somaliland, kuwaas oo uu xusay inay la kulmi jireen madaxweyneyaal badan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*