Latest News

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay In Cuqaal Damiintay Ajaanib Dhalasho Qaatay Sharciga Lala Tiigsanayo

Hargeysa, (Haatuf) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay hayaan Liis ay ku qoran yihiin Cuqaal xilligii la qaadanayey Kaadhka Muwaadinka damiintay Dad aan reer Somaliland, sidaasi Tallaabo laga qaadi doono.

Wasiir Kaahin oo hadal ka jeediyey Munaasibad uu xadhigga kaga jaray dib u habayn lagu sameeyay Xarunta Qaadashada Kaadhka Muwaadinka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Liiska Cuqaashaasi ay u gudbinayaan Gobollada dalka.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Gobollo badan oo Dalka ah ka dhacday oo la hayaa in Cuqaali damiinatay Dad aan reer Somaliland ahayn, Liis baa halkan yaalla, waanu baahinaynaa Liiskaa oo Gobollada ayaanu u gudbinaynaa, Cuqaashaa Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa khaladkii ay sameeyeen (Awgeed)…”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*