Latest News

Xisbul Xaakimka Kulmiye Oo Isu Soo Baxyo Ka Sameeyay Gobolada Iyo Degmooyinka Somaliland Maalinta Labaad Ee Ollolaha

Hargeysa, May 24, 2021 (Haatufonline) – Madaxda, musharixiinta iyo taageerayaasha xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa maanta oo ah maalinta labaad ee ollolaha doorashooyinka isu soo baxyo waaweyn ka dhigay gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Taageerayaal wata baabuur lagu xardhay calanka xisbiga iyo sawirada musharixiinta isla markaana ay ka shidanyihiin heesaha uu Kulmiye caanka ku yahay, ayaa cad ceed dhici kadib ba isugu soo baxay wadooyinka waa way ee caasimada Hargaysa.

Markii saaka waagu baryay ayaa musharixiinta xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashoodu isugu soo shubmeen beerta xoriyada ee magaalada Hargaysa halkaasi oo uu madaxweynaha Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kala hadlay.

Madaxweynaha oo qudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay khayriyada caasimada Hargaysa, ayaa sheegay in masharixiinta kii hadha iyo kii soo baxaba ay wada guulaysteen, isagoo ku andacooday in xisbigiisu soo xulay dad la aamini karo.

“Musharixiinta aynu maanta soo sharaxnay dhamaantood, waa dad aynu baadhnay oo aynu u dooranahay in aynu ku aamini karno dalkeena” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray.

“Musharixiintaasi waala doortay maanta laga bilaabo, waa xildhibaano dhamaantood, majiro mid dhacaya iyo mid soo baxaya, dhamaantood way guulaysanayaan”.

“Guushu waxa weeyi in qofka mujtamiciisu qadariyo oo uu yidha na hogaami, musharixiinta maanta sharaxan ee 900 ah Somaliland baa soo xulatay oo tidhi na hogaamiya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Somaliland ayna kala guulaysan doonin laakiin ay wada guulaysanayaan.

“Maanta waxa guulaysatay Somaliland, maynaan kala guulaysan, Somaliland cadow geeda ayaa jabaya, Somaliland baa talaabo hore u qaaday, waa doorashadii 7aad ee ay Somaliland ku codaynayso nabad iyo horumar” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda xisbiga Kulmiye ayaa kadib debbaal daga khayriyada Hargaysa u jihaystay magaalada Gabilay, oo ay isusoo baxa kala qayb galayaan shacabka iyo musharixiinta Gabilay.

Madaxweynaha iyo madaxda xisbiga ayaa la saadaalinayaa in maanta galinka danbe ay u safri doonaan magaalada Berbera, oo ay sidookale shacabka iyo musharixiinta gobolka Saaxil kala qayb gali doonaan ollolaha.

Xisbiga Kulmiye ayay u tahay maalintiisi koobaad ee ollolaha doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka waxana u hadhay hal maalin oo kale madama xisbikasta la siiyay laba maalmood oo kaliya si uu u dhamaysto hawlihiisa ollolaha.

Connect with us on Facebook