Latest News

Xogahii Sirta Ahaa Ee Lagu Soo Bandhigay Discord Iyo Dalalka Afrika Ee Shiinaha Damac Kaga Jiro Inay Saldhigyo Milatrari Ku Yeeshaan.

Washington,April 28,2023(Haatufonline) -Xogihii sirta ahaa ee ay lahayd xukuumadda Maraykanku ee bishan horaanteedii lagu soo bandhigay mid ka mid ah baraha xidhiidhka bulshada oo la yidhaahdo DISCORD ayaa waxa ka mid ahaa dalal Afrika ku yaala oo dawladda Shiinaha damac kaga jiro inay mustaqbalka ku yeeshaan saldhigyo militari.
Xogahan sirta ahaa waxay ahaayeen qaar u sirdoonka Maraykankaa soo ururiyey waxaase Discord la wadaagay nin magaciisa la yidhaa Jack Teixeira oo u shaqayn jiray ciidanka cirka ee kaydka ah ee Maraykanka kaasoo hadda lasoo qabtay oo maxkamadi ku socoto.

Hadaba siday xogahani tibaaxeen waxa dawladda Shiinaha iyo dalal Afrika ku yaala u socda xidhiidh iyo wadaxaajood ku saabsan sidii ay ciidamada badda ee Shiinuhu ugu yeelan lahaayeen saldhigyo ama goobo badda ah oo ay isticmaalaan markay u baahadaan.
Siday warbixintan sirta ahi sheegtay,dalalka Afrika ku yaala ee u Shiinaha damac kaga jiro waxa ka mid ah Kenya Somalia,Nigeria, Mozambique,Gabon,Equatorial Guinea,Guinea iyo Mauritania iyadoo qaar ka mid ah dalalkaasi iyo Shiinuhu ay horumar ka gaadheen suurtagalinta arimahan.
Saldhigga kaliya ee dalkooda ka baxsan ee Shiinuhu dibadda ku leeyahay waxa uu ku yaalaa dalka Djibouti. Sida lagu sheegay siraha Discord lagu faafiyey,Shiinaha ayaa Doraale ka hirgalinayey dhisme lagu rakibayo anteenooyin dhaadheer oo dusha lagaga dhagaysan karo isgaadhsiinta ciidamada (SIGINT) iyo xidhiidhada ay diyaaraduhu u adeegsadaan qalabka satalyaadyada (SATCOM) ee dalalka Afrika,Bariga Dhexe iyo Yurub.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*