Latest News

Xoogaga 400 Ee Talaabo U Jira VillaSomalia Waxay Ku Qanci Karaan Oo Kaliya Farmaajo Is-Casila

Muqdisho,April 27,2021(Haatufonline)-Raiisalwasaarihi Somalia M X Rooble iyo sadexdii dawlad goboleed ee Hirshabeele,Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay dhammaantood taageeridi kala noqdeen mudo-kordhinti Farmaajo waxaanay ogolaadeen in iyadoo laga duulayo heshiiskii 17 September dib loogu noqdo wadahadalkii Teendhada Afisyooni ee ku saabsaana xalinta khilaafkii doorashada.
Lama oga inay tahay talaabo kale oo Farmaajo ku doonayo waqti dherarsi iyo jihohabaabin rayal caamka gudaha iyo dibadaba ah.
Hsayeeshee shaki kuma jiro in goaankan cusub ee raiisal wasaaraha iyo Hirshabeele iyo Galmudug isku waafaqeen ee markii dembana Koonfur Galbeed iskaga soo biirtay uu soo dadajiyey dagaaladii doraad Muqdishu ku dhex maray ciidamada Mucaaridka taageersan iyo kuwa wali ka amar qaata Farmaajo iyadoo ay ciidamada taageersan mucaaridku ay dagaaladaasi guulo ka gaadheen isla markaana ay u suurtowday inay magaalada inteedii badneyd gacanta ku dhigaan oo meelaha qaarkood ay wax kar kilomitir badhki usoo jirsadaan VillaSomalia,mana jirto in caawa ay mucaaridka u cuntami karaan wax ka yar Farmaajo oo is casila mooyaane si aanay dib usoo noqonin oo meesha looga saaro carqaladihii uu mudada dheer hordhigaayey in doorasho hagaagsani ka dhacdo Somalia.

Connect with us on Facebook