Latest News

Blinken Oo Ku Cadaadiyey Raysal Wasaaraha Ethiopia In Ciidamada Eritrea Degdeg Uga Baxaan Gobolka Tigrayga

Washington, April 27, 2021 (Haatufonline) – Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa Raysal Wasaaraha Ethiopia ku cadaadiyay in ciidamada ka socda dalka Eritrea ee ku lugta leh colaadda Tigreyga looga saaro “si deg deg ah, oo dhameystiran, oo la xaqiijin karo,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed  ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka.

Blinken waxa uu sheegay in ciidamada Eritria iyo xoogaga gobolka Amxaarada ee gobolka Tigreyga ku sugan ay gacan ka gaysanayaan masiibada bina’aadanimo ee sii kordhaysa isla markaana ay geysanayaan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ee Maraykanka Ned Price oo sharaxaya taleefan uu Blinken kula xidhiidhay Abiy.

Xoghayaha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dhamaan dhinacyada isku haya ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalada, ayuu yidhi Price oo ah Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ee Maraykanka.

Washington waxay sheegtay todobaadkii la soo dhaafay in aanay arag wax cadeyn ah oo ku saabsan ka bixitaanka ciidan ee ay balanqaadeen labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea, waxaanu Blinken walaac ka muujisay baaqa ku saabsan dhibaatooyinka bini’aadanimo iyo xuquuqul insaanka ee Itoobiya, oo ay kujirto halista macluusha ee kusii kordheysa gobolka Tigray, ayuu yidhi Price.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*