Latest News

Xubno Ka Mid Ah Alshabaabkii Xarardheere Ee Kala Jabay Oo Ku Jihaysan Galgala Iyo Jubooyinka

Dhusamareeb,January 3,2022(Haatufonline)-Xubno ka tirsan garabka Fuaad Shoongale ee ka goostay ciidankii Alshabaab ee Xarardheere ayaa isu kala qaybiyey badh u kaca dhinaca buuraha Galgala iyo badh u kaca Jubooyinka koonfurta Somalia. Siday noogu soo warameen ilo xogogaal ah oo dalbaday in aan la sheegin, xubnahaasi waxay qorshaynayaan inay labada meelood ee ay ku jihaysanyihiin u maraan dhinaca badda waxaanay beesha Saleebaan ee deegaanka usoo jeediyeen inay kala wareegaan hubkooda culus oo ay beeshu ammaano ahaan ugu sii hayaan kadib markii uu kala jab ku yimid ciidankii Alshabaab ee Xarardheere. Laakiin siday ilahaasi noo sheegeen beesha Saleebaan way ka diiday xubnahaasi soo jeedintoodii.

Dhinaca kale waxay ilahaasi noo sheegeen in habeennimadii Axadi dhawayd duqayn cirka ah lagu dilay hogaamiyihii sirdoonka Amniyaatka Alshabaab u qaabilsana gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galguduud Xasan Nuur oo kasoo jeeday beesha Dir/ Fiqi Muxumad.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*