Latest News

Takniko Iyo 48 Ka Mid Ah Alshabaabki Xarardheere Oo Isa Soo Dhiibay Iyo Qaar Soo Gaadhay Galbeedka Boosaaso.

Dhusamareeb,January 5,2023( Haatufonline)-Siday noogu warameen ilo xogogaal ah oo dalbaday in aan la shaacin, sideed iyo afartan ka mid ah ciidankii Alshabaab ee degganaa Xarardheere oo wata hal gaadhi oo Zu ah, hal gaadhi oo Dhashiika ah iyo afar Seeraf ayaa maanta isu soo dhiibay beesha Saleebaan e iyadoo beeshuna ay xubnahaasi iyo taknikadi ay wateen ku wareejiyeen gacanta dawladda Somalia.

Ciidanka Alshabaab ee mudada dheer ku sugnaa deegaanka Xarardheere ee ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa todobaadki hore u kala jabay 2 garab oo midkood u hogaaminayo Fuaad Shoongale halka ka kale uu horkacayo Xuseen Qoorgaab. Ciidanka isa soo dhiibay ayaa sida ilahaasi sheegeen ka tirsanaa garabki Fuuaad Shoongale.

War dheeraad ah oo aanu arimahan ka helnay ayaa sheegaya in Fuuaad Shoongale laftiisa iyo koox ciidan ah oo uu wataa ay soo gaadheen meel ku taalaa galbeedka Boosaaso. Waxa kale oo ay ilo xogogaal ahi sheegeen in kooxda Shoongale ay ku talo jiraan inay is-qabiyaan oo badh ku biiraan Shabaabka Galgala inta kalena ay isoo kicitimaan meel ku dhaw xadka u dhaxeeya Somalia iyo Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*