Latest News

Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Madaxweyne Biixi Uu Barri Safar Ugu Baxayo Ethiopia

Hargeysa, January 17, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta barito safar ugu baxaya dalka Ethiopia, sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo goor dhaweyd shir jaraa’id qabtay.

Wasiir Koore ayaa intaa ku daray in Madaxweynaha Somaliland uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Dawlada Federalka ah ee Ethiopia.

Waxaanu wasiirku intaasi ku daray in Weftiga Madaxweyne Biixi ay dalka Ethiopia ka wadahadlayaan xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Dhinaca kale waxa magaalada Addis Ababa ku sugan wefti uu horkacayo Wasiirka Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga JSL Essa Kayd, wasiirka Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Abdirisak Ibrahim Iyo Wakiilka khaaska, Marwo Dr Adna Ismaciil.

Weftigan ayaa gogol xaadh u ah Safar uu Madaxwaynaha JSL Mudane Muse Biixi Cabdi uu ku tagi doono Dalkan Ethiopia kadib Marti-qaad uu ka helay Raysal Wasaaraha Dalkan Ethoipia.

Connect with us on Facebook