Latest News

Xukuumadda Oo Mabda’iyan Ogolaatay In Wadani,Ucid iyo Kulmiye Ay Mudaaharaad Silmi Ah Ku Qabsadaan Xarumahooda Hortooda

Hargeisa,August 9,2022(Haatufonline)-Xukuumadda Somaliland ayaa ogolaatay in sadexda urur ee Kulmiye,Wadani iyo Ucid ay mudaaharaad silmi ah ku qabsadaan xarumahooda hortooda maalinta galinka hore ee Khamiista taasoo ku beegan 11ka bishan.

Heshiiskan oo ah mid hordhac ah ayaa waxay labada dhinac u balansanyihiin in la isku soo noqdo subaxnimada bari Arbacada si loo sii lafa guro oo heshiis kama dambays ah oo la isla wada ogolyahay looga gaadho arinta mudaaharaadka iyo qaabka uu u dhici doono iyo waliba sida nabadgelyadiisa loo sugayo.

Connect with us on Facebook