Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Socdaal Ku Tagay Uganda

Kampala, August 8, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay dalka Uganda ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Mudane Odongo Jeje Abubakhar.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Uganda ay qaadan doona saddex maalmood, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga.

Connect with us on Facebook