Xuutiga oo sheegay in duulimaadyada Tehran-Sanca sii socon doonaan, hadii Sucuudigu soo farogaliyana ay ka shalayndoonaan
Haatufonline,July 4,2026
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in duulimaadyada u kala goosha Sanca iyo caasimadda Iiraan ee Tehraan ay socon doonaan , waxaanay Sucuudiga uga digeen inuu soo faragaliyo khadka duulimaadyada Sanca-Tehraan balse hadii kale ay duqayn la beegsan doonaan madaarada iyo dekadaha Sucuudiga.
Hanjabaadda Xuutiga ayaa imanaysa ka dib markii waabarigii Jimcahii shalay ay diyaarad ka timid Tehraan soo fadhiisatay madaarka Sanca ee maleeshiyada Xuutiyiintu gacanta ku hayaan.
Xuutiyiintu war ay soo saareen waxay ku sheegeen in diyaaraddu sidday 200 rakaab ah oo isugu jiray dhaawac lasoo daweeyey iyo dad ku goโdoonsanaa Iiraan isla markaana ay noqoshadeedii sii qaadday wafdi Xuutiyiinta uga qaybgalayey aaska iyo tacsida Murshidkii hore ee Iiraan Cali Khamaaโini kaas oo 28/2/2026 lagu dilay duqayn wada jir ah oo ay Maraykanka iyo Israaiil u gaysteen goob magaaladda Tehraan ku taal oo uu ku sugnaa, iyada oo diyaaradda duulimaadka samaysay ay leedahay shirkadda Mahan Air ee saldhigeedu yahay Iiraan.
Hasa yeeshee waxa jira ilo wareedyo kale oo tibaaxaya suurtogalnimada in diyaaraddu sidday qalab ay isticmaalaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qaar loo isticmaalo gantaalaha iyo waliba in rakaabka ay ka mid ahaayeen khubaro Iiraaniyeen ah oo ka tirsan ciidanka IRGC.
Dhinaca kale dawladda Yemen ee la aqoonsanyahay ee fadhigeedu yahay Sucuudiga ayaa cambaaraysay duulimaadka Mahan Air ku timid Sanca taasoo ay ku tilmaameen xadgudub ka dhan ah qarannimada dalka Yemen.
Sucuudigu arinta diyaaraddan wali kama hadal laakiin waxay ilo xog ogaal ahi sheegayaan in Sucuudiga iyo Iiraan isla ogaayeen duulimaatka ay Magan Air ku tagaysay Sanca.
Hanjabaaddan cusub ee Xuutiyiinta ayaa daba socota mid kale oo hogaamiyahooda Cabdulmalik AlXuuthi todobaadkii hore u jeediyey Sucuudiga iyadoo u u qabtay muddo 60 maalmood ah inay ku bixiyaan wax u ku tilmaamay magdhawga khasaarihii ay dadka iyo dalka reer Yemen u gaysteen
Leave a comment