Latest News

Xuutiyiinta iyo Alshabaab oo loo aanaynayo budhcad badeednimada dhawaan ka dilaacday gobolka.

Haatufonline,June 22,2026

Xuutiyiinta iyo labada farac ee Alqaacida ee ka hawlgala Yemen iyo Somalia ayaa loo tirinaya inay hurinayaan falalka budhcad badeednimada ee dhawaanahan ka dilaacday Gacanka Cadmeed iyo xeebaha bari ee Yementa Koonfureed ee ku teedsan Badda Carbeed( Arabian Sea) iyo xeebaha Badwaynta Hindiya ee ku aadan Somalia.

Siday ilo ku sugan Yemen iyo Somalia noo sheegeen,budhcad badeedu waxay casriyeeyeen awoodahoodii hawlgalineed iyo xeeladahoodii qafaalashada iyadoo ay haatan maraakiibta kasoo afduubaan meelo 300 mayl-badeed (nautical miles) ka baxsan xeebaha Somalia taasoo ay u suurtagalisay hub iyo isgaadhsiin cusub oo ay Xuutiyiintu ku taakuleeyeen iyo fududayn iyo ilaalin dhinaca amaankooda ah oo ay ka helaan Alqaacidada Yemen ( AQAP) iyo Alshabab.
Dhinaca kale Iskaashiga ka dhaxeeya Xuutiyiinta , AQAP iyo Alshabaab ayaa loo aanaynaya inuu suuragaliyey in maraakiibta Sward, Honour iyo Eureka laga soo afduubo meelo aad ugu dhaw xeebaha Koonfurta Yemen iyo Somalia waqtiyo aan kala fogayn (April 21,April 26 iyo May 2,2026) .
Waliba markabka shidaalka ee Eureka inta laga soo afduubay meel 13 mayl-badeed u jirta dekadda Shabwa ee Koonfurta Yemen ayaa markiiba la keenay xeebta Somalia taasoo tilmaamaysa inay jiraan awoodo iyo farsamooyin ka heer sareeya kuwi lagu yiqiin budhcad badeeda Soomaalida oo lagu fuliyey falalkan budhcad badeednimo.

Xuutiyiintu tageerada ay siiyaan budhcad badeeda iyo ururada argagixisada ah waxay ka leeyihiin dhawr ujeeddo oo kala ah inay durkiyaan awoodooda iyo saamayntooda oo aanay ku koobnaanin aagga ay ka hawlgalaan ee Baabal Mandab balse gaadhsiiyaan ilaa galbeedka Badwaynta Hindiya.
Danaha kale ee ugu jira waxa ka mid ah inay yeeshaan khadad kale oo loo soo mariyo tahriibta hubka casriga ah oo ka baxsan khadka Cumaan iyo galbeedka Yementa Koonfureed ee ay adeegsan jireen oo ay yagleelaan khadad cusub sida xeebaha Somalia oo ay mudooyinkan dambe adeegsanayeen iyada oo ay la kaashanayaan Alshabaab iyo budhcad badeedda Soomaalida .Kooxda Alshabaab lafteerkeeda ayaa la aaminsanyahay inay sadex dalool oo meel(1/3) ka qaadato lacagaha lagu bixiyo madaxfurashada maraakiibta la soo afduubo . Xuutiyiinta,AQAP iyo Alshabaab waxay samaysteen iskaashi dano ku salysan iyagoo adeegsanaya shabakado ganacsi oo lagu tahriibyo hubka yar yar iyo badeecadaha kontarabaanka ah iyo daroogada taasoo ay dakhli maaliyadeed ka wada helaan.

Sadexdan kooxood ayaa ka faaiidaystay faraaqa amniga ah ee ka dhashay burburka ku dhacay ciidamadii Golaha Ku Meel Gaadhka ah ee Koonfurta Yemen (STC) ee la dagaalami jiray Xuutiyiinta, ururada argagixisada iyo tahriibta, ka dib markii ay diyaaradaha dagaalka ee Sucuudigu duqayn xoog leh u geysteen horaantii sanadkan. Waxa kale oo istaagay hawlgaladii la dagaalanka budhcad badeeda markii labadii sanadood ee u dambeeyey ay maraakiibtii dagaalka ee reer Galbeedku ku mashquuleen ilaalinta marinka Baabal Mandab isla markaana cidleeyeen Gacanka Cadmeed iyo Badwaynta Hindiya. Intaas waxa dheeryo mudooyinkan dambe oo dagaalka Iiraan iyo Maraykanku uu indhihii caalamka ka jeediyey falalka budhcad badeednimada ah ee isa soo tarayey. Waxa iyaduna aan meesha ka madhnayn Xuutiyiinta oo doonayey inay qas ka abuuraan Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badwaynta Hindiya si ay xulafadooda reer Iiraan uga dulqaadaan culaska go’doominta u Maraykanku kusoo rogay dekadaha Iiraan ee ku yaala marinka Hormuz taasoo burbur dhaqaale ku keentay dalkaasi.

Ilaa hadda waxa xeebta Somalia lagu haystaa ugu yaraan 4 markab iyo 5 doonyood oo kuwa xamuulka ah iyadoo ay afduubeyaashu siidayntooda ku xidheen bixinta lacag madaxfurasho ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*