Madaxweynaha Somaliland Oo Wareysi Siiyey Warbaahinta Caalamiga Ah Ee i24NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa wareysi siiyey warbaahinta caalamiga ah ee i24NEWS, isagoo ka hadlay booqashadiisa Israa’iil, furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus, aqoonsiga iyo xidhiidhka labada dhinac u dhaxeeya.
Madaxweyne Cirro ayaa ku tilmaamay safaaradda Somaliland ee Qudus laga furay, dhacdo taariikhi ah oo ku weyn shacabka Somaliland.
Waxa uu sheegay in Israa’iil ahayd dalkii ugu horreeysey ee aqoonsada Somaliland 26-kii Juun 1960-kii, isla markaana ay mar kale noqotay dalkii ugu horreeysey ee aqoonsada Somaliland 26-kii Diseembar 2025-kii.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dalal kale diyaar uyiihin inay aqoonsadaan Somaliland, balse aanu hadda doonayn inuu shaaciyo. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay xidhiidh furan oo diblomaasiyadeed la leedahay Maraykanka, Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Kenya.
Madaxweyne Cirro ayaa si cad u diiday in Somaliland kaliya lagu tilmaamo dal gooni uuga go’ay Soomaaliya, isaga oo sheegay in Somaliland ay ahayd dal madax-bannaan 26-kii Juun 1960-kii, halka Muqdisho ay xorowday shan maalmood ka dib.
Mar la weydiiyey sababta Somaliland safaaraddeeda uuga furtay Qudus, wuxuu sheegay in safaarada laga furo wadanka aqoonsanaya caasimadiisa. Waxa uu intaas ku daray inaanay Somaliland ka warwarsaneyn falcelin kaga iman karta dalalka Carabta iyo waddan kale ba.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu keenayo iskaashi dhinacyada beeraha, biyaha, caafimaadka, amniga iyo tiknoolajiyadda ah. Waxa uu xusay in siddeed carruur ah oo qaba xanuunno wadnaha ah toddobaadkan lagu daweynayo Israa’iil.
Markii la weydiiyey in Israa’iil saldhig ciidan ku yeelan doonto Somaliland, Madaxweyne Cirro wuxuu ku jawaabay, “Hadda maya.” Su’aal kale oo laga weydiiyey in mustqablka laga furi doono, wuxuu yidhi, “Hadda ma beenin karo, mana xaqiijin karo taas.”
Madaxweyne Cirro waxa kale oo uu sheegay in duulimaadyo toos ah oo Israa’iil iyo Hargeysa u dhaxeeya la filayo inay bilaabmaan dhawaan, isaga oo qiray inay hadda jirto carqalado la xidhiidha fiisooyinka ajaanibta imanaysa Somaliland, balse xukuumaddu ku jirto xalinteeda.
Uugu dambeyn Madaxweyne Cirro ayaa farriin u diray dalalka weli aan aqoonsan Somaliland, isaga oo yidhi, “Ha nagu soo biiraan intaanay fursaddu dhaafin,” isagoo sheegay in dalalka uugu horreeya ee xidhiid la yeesha Somaliland ay heli doonaan fursaddo wanaagsan.
Leave a comment