Xuutiyiinta oo cashuur bad-marin ah kusoo rogaya maraakiibta isticmaasha Badda Cas iyo Baabal Mandab.
July 30,2026
Wasiirka Warfaafinta Yemen, Mucammar Al-Iryani, ayaa xaqiijiey war dhawaan la isla dhemarayey oo sheegayey in kooxda Xuutiyiintu ay cashuur kusoo rogayaan maraakiibta badeecadaha iyo shidaalka ee marta Badda Cas iyo Baabal Mandab.
Al-Iryaani oo arintan shalay ka hadlay ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ay kooxda Xuutiyiinta kala shaqaynayaan hirgalinta lacagta badda ah ee ay damacsanyihiin inay ka qaataan maraakiibta ganacsiga ee marta Badda Cas iyo Marinka Bab al-Mandab. Sida uu wasiirku sheegay, qorshahan ayaa looga gol leeyahay in lagu maalgeliyo hawlgallada militari ee kooxda, iyadoo sy ku dayanayaan nidaamka lacagta bad-marinta(toll) ee ay Iran dhawaan ka hirgelisay Marinka Hormuz.
Al-Iryani oo soo xiganaya xog sirdoon,waxa uu xusay in khubaro iyo la-taliyeyaal ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ay ka qayb qaadanayaan dejinta qaab-dhismeedka farsamo iyo maamul ee mashruucan. Waxaanu intaa ku daray in qorshaha Xuutiyiinta ay ku jirto dhismaha hay’ad gaar ah oo u xilsaaran ururinta lacagaha laga qaadayo shirkadaha maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga ee ka gudba marinkan istaraatiijiga ah.
Warbixino heer gobol iyo caalami ah ayaa hore u sheegay in Xuutiyiintu si dhab ah u daraasaynayaan hirgelinta lacagahaas lagu soo rogi doono maraakiibta mara koonfurta Badda Cas, kaddib markii ay dhawaan ku dhawaaqeen go’doomin dhinaca badda ah oo ay ku soo rogeen Sacuudiga.
Dhinaca kale, ilo xog-ogaal ah ayaa shaaciyay in Shiinuhu uu wadahadallo toos ah la yeeshay Xuutiyiinta si loo xaqiijiyo in maraakiibtiisa shidaalku ay si nabad ah uga gudbaan aagga baabal mandab iyo gacanka cadmeed isla markaana aan laga qaadin lacag bad-marin ah oo dheeraad ah
Leave a comment