Latest News

100 Ka Mid Ah Askarta Itoobiya Ee Nabad Ilaalinta U Jooga Koonfurta Sudan Oo Sudan Waydiistay Magangelyo

Khartoum,April 29,2021(Haatufonline)-Boqol ka mid ah askarta Itoobiyaanka ah nabad ilaalinta u joogay Koonfurta Sudan ayaa dalka Sudan waydiistay magangelyo siyaasadeed.Askartan ayaa waxay ka mid ahaayeen ciidan Itoobiyaan ah oo hoos yimaadda ciidamada nabadilaalinta ee Qaramada Midoobay waxaanay ku sugnaayeen deegaan saliidda laga qodo oo ay ku muransanyihiin Koonfurta Sudan iyo Sudan.

Waxay aheyd maalintii doraad markii ay xukuumadda Sudan Qaramada Midoobay ka dalbatay in ciidamada Itoobiyaanka ah ee nabad ilaalinta ka mid ka ah la badelo maa daama ay Itoobiya sheegaynayso dhul ay Sudan leedahay oo ku yaala xadka labada dal u dhaxeeya

Connect with us on Facebook