Latest News

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐๐š ๐—๐ข๐ฌ๐›๐ข ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Hargeysa, January 14, 2026 (Haatufonline) -Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan heer Qaran ah ugu yeedhay Hoggaanka Sare ee Saddexda Xisbi Qaran, WADDANI, KAAH IYO KULMIYE.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Hoggaanka Sare ee Saddexda Xisbi Qaran uga mahad naqay waqtigooda qaaliga ah iyo sida ay u soo ajiibteen kulanka uu ugu yeedhay.

Kulankan oo ahaa mid ka tarjumaya Masโ€™uuliyad Wadareed Qaran, ayaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay ujeeddadiisu tahay wada-tashi Qaran iyo is-xog-waraysi ku aaddan Marxaladda Cusub ee uu dalkeenu galay, kaddib Aqoonsigii ay Dawladda Israaโ€™iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray Xaaladda guud ee siyaasadeed, ta amni iyo ta diblomaasiyadeed ee Qaranka JSL, gaar ahaan dareennada kala duwan ee ka dhashay aqoonsigii Israaโ€™iil, iyo cadaawadda iyo dagaalka tooska ah ee ay ku baaqeen Soomaaliya iyo xulufadeedu ee ka dhan ah jiritaanka, madaxbannaanida iyo Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Hoggaanka Xisbiyada Qaranka la wadaagay xog-warran ku salaysan xaqiiqooyin siyaasadeed, kuwo amni iyo diblomaasiyadeed, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay haatan gashay marxalad cusub oo u baahan bisayl siyaasadeed, aragti fog iyo midnimo Qaran oo joogto ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad Xisbiyada Qaranka ugu bayaamiyey in Somaliland aanay cidnaba duullaan ku ahayn, balse ay diyaar u tahay difaaca qarannimadeeda iyo jiritaankeeda ummadnimo, isaga oo sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay sii labanlaabi doonto dedaalka iyo baadi-goobka aqoonsiga ay innoo bilowday dalka Israaโ€™iil, taasi oo aynu ugu hayno abaal aan weligii duugoobayn, kuwo kalena ay ku daba jiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu farriin cad iyo digniinba u diray Xukuumadda Soomaaliya iyo xulufadeeda, isaga oo sheegay in Somaliland aanay marnaba aqbali doonin hanjabaad iyo duullaan, isla markaana ay si buuxda diyaar ugu tahay difaaca dalkeeda, dadkeeda, jiritaankeeda iyo qaranimadeeda. Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Beesha Caalamka u caddeeyey in cawaaqib xumada ka dhalata ay masโ€™uuliyaddeeda yeelan doonaan Soomaaliya iyo xulufadeeda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Xisbiyada Qaranka ugu baaqay in ay qayb firfircoon ka noqdaan dejinta jawi siyaasadeed oo xasilloon oo lagaga hortagayo hadallada kicinta, isku-dirka shacabka iyo fitno-abuurka leh.

Iyaguna dhankooda, Hoggaanka Sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si diirran u soo dhaweeyey kulanka Qaran ee uu Madaxweynuhu ugu yeedhay, iyaga oo si mug leh ugu bogaadiyey guusha taariikhiga ee uu Madaxweyne ahaan Qaranka JSL u horseeday 34 sano kaddib.

Xisbiyada Qaranku waxa ay muujiyeen masโ€™uuliyad siyaasadeed, bisayl iyo midnimo Qaran. Waxa ay caddeeyeen in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, gaar ahaan marxaladda cusub ee xasaasiga ah ee uu dalku galay.

Sidoo kale, Hoggaanka Xisbiyadu waxay soo jeediyeen talooyin muhiim ah, oo ay ka mid yihiin: xoojinta midnimada gudaha; midaynta iyo wacyigelinta bulshada, ummadda reer Somaliland loo gudbiyo farriin mideysa oo kalsooni iyo yididiilo abuureysa, sidoo kalena loo midoobo difaaca Qaranka JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*