๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐ฌ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.
Haatufonline โ 14 July, 2026
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada JSL, Taliyeyaal iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Hargaysa kaga qayb galay Aas Qaran oo loo sameyey Alle SWT ha u naxariiste Hoggaankii Baadhista Danbiyada (C.I.D) Ciidanka Booliska JSL, Gaashaanle Sarre Faysal Xiis Cilmi oo lagu aasay Xaabalaha Halleeya.
Madaxweyne ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa Alle uga baryey in uu Marxuumka Jannatul Firdowsa Aclaa ka waraabiyo Eheladii, Qarabaadii iyo Ciidanka Booliska JSL ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Marxuumka ku sifeeyey shakhsi si hufan ugu soo shaqeeyey Qaranka JSL.
Leave a comment