Latest News

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo qiray inay dad u dhinteen dawo khaldan oo la siiyey

Haatufonline โ€” 14 July 2026

โ€œLaba qof ayaa ku dhintay dawo khaldan oo la siiyey, kiisaskooduna Hargeysa ayay yaallaan,โ€ Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

โ€œBeryahan waxa jira farmasiiyo badan oo dad ku dhinteen dawooyin ay siiyeen. Waxaan ballan qaadayaa in qof dhakhtar ah ama shaqaale caafimaad ah oo aan liisan wadan aanu Somaliland ka shaqaynin.

Qofku markuu liisan leeyahay meel loogu hagaago ayuu leeyahay. Qofkii waxa lagu aaminay qof oo waxa lagu siidaynayaa bukaan. Qof aan liisan wadan oo inta uu farmasii furto dadka u yeedha oo irbad ku muda ma dhacayso, waanu qabanaynaa kaas.

Way dhacday hadda in dawo khaldan dad lagu muday, laba kiis ayaa yaalla Hargeysa, laba qof ayaana ku dhintay. Taasna annaga oo fulinayna masuuliyaddii nala saaray, kana hortagayna dhibaatooyinka dadkeenna ku soo socda, waxaanu ku waaninaynaa dhakhaatiirta inuu nin walba liisan haysto,โ€ ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*