𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐢𝐛𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐦𝐮𝐮𝐧𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐨 𝟔𝟓-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐢𝐢 𝐗𝐨𝐫𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Oo Hargeysa Lagu Qabtay
Hargeysa, June 26, 2025 (Haatufonline)-Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 65-aad ee kasoo wareegtay maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingriiska, ayaa caawa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibadda lagu muunaynayo maalinta xorriyadda ee 26-ka June, waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoonka guurtida iyo wakiillada, qaar kamid ah madaxweyne-xigeennadii hore ee dalka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, guddoomiyaha xisbiga WADDANI, xildhiobaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, Diblomaasiyiin ka socda dalalka saaxiibka la ah Somaliland, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas lagu soo bandhigay masraxiyad iyo suugaan lagu hogo-tusaalaynayo qiimaha ay maalintani leedahay.
Wasiirka madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, siyaasi Axmed Ismaaciil Samatar, guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay maalintani u leedahay shacbiga reer Somaliland iyo sida ay muhiimka u tahay in maalintan la weyneeyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shacabka u jeediyey khudbad qiimo badan, ayaa xuska munaasibaddan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ah dhaxal ay iska leeyihiin shacabka reer Somaliland, waxana uu si qoto dheer u sharraxay horumarka qarankani ku tallaabsaday iyo jallaafooyinka horumarkaa lagu diiddan yahay ee uu gaadhay.
Ugu dambayntii, markii ay saacadda Geeska Afrika ahayd 12-kii habeennimo oo gaw waxa la saaray calanka Jamhuuriyadda Somaliland, halkaan oo cutubyo katirsan ciidamadu salaam ku siiyeen calanka.
Leave a comment