Latest News

35 Budhcadbadeed Majeeteen Ah Oo Loo Qaadayo Dalka Hindiya Si Loo Maxkamadeeyo

New Delhi,March 18,2024(Haatufonline)- Markab dagaal oo ay leedahay dawladda Hindiya ayaa 35 budhcad badeed reer Somalia ah oo Jimcihii lagu qabtay badweynta Hindiya u qaadaya dhinaca dalka Hindiya si loo maxkamadeeyo.
Budhcad badeeddan oo saarnaa markab xamuul ah oo ay afduubeen bishii December 2023 ayaa waxa kusoo duulay ciidamada badda ee Hindiya oo kaashanaya ciidankooda cirka si looga badbaadiyo markabkii ay haysteen oo magaciisa la yidhaa Ruen lagana leeyahay dalka Bulgaria.
Kooxdan budhcadbadeeda ah ayaa markabka Ruen u isticmaalayey inay ku rartaan laashashka yar yar ee ay maraakiibta ku afduubaan(mother ship).
Dhamaan xubnaha koxdan la qab qabtay ayaa waxay kasoo jeedaan dalka Somalia gaar ahaan gobolka Puntland oo saldhig u ahaa badhcad badeedi ka dilaacday xeebaha Somalia sanado ka hor.
Dhinaca kale ilo xog ogal ah oo ku sugan Puntland ayaa waxay noo sheegeen in kooxdan afduubtay markabka Ruen ay maalgaliyeen qaar ka mid ah ganacsatada magaalo xeebeedda gobolka Puntland ee Boosaaso iyadoo ay budhcadda heshiis kula galeen inay qaataan 50% lacagta madaxfurashada ee laga qaadi doono markab kastoo la afduubo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*