Latest News

Khabiir Filibiini Ah Oo Ammaanay Ciidanka Badda Ee Hindiya Ka Shiinahana Dhaliilay

New Delhi,March19,2024(Haatufonline)-Ciidanka Badda ee dalka Hindiya ayaa wacdaro ka geystay la dagaalanka budhcad badeeda
qafaalata maraakiibta tijaariga ah ee isticmaashaa galbeedka badweynta Hindiya ilaa bariga Gacanka Cadmeed.
Tan iyo bishii November markii ay Xuuthiyiintu bilaabeen weerarada ay la beegsadaan maraakiibta Badda Cas marta waxa dib usoo noolaatay budhcad badeedii Somalia kuwaasoo ay iska horyimaadeen ciidanka badda ee Hindiya oo ilaa 4 jeer ka fashiliyey maraakiib ay afduubayeen.
Hasyeeshee hawlgalkii ugu cajiibsana ee ay ciidanka badda ee Hindiya fuliyeen wuxu qabsoomay Jimcihi(16/3/204) iyadoo ay gacanta ku dhigeen 35 budhcad ah oo xoog ku haystay markab ay afduubeen bishii December. Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada badda iyo cirka ee Hindiya ayaa waxa lagu badbaadiyey markabkii Ruen iyo shaqaalihiisii 17-ka ahaa.
Hadaba halka kaalinta uu ciidanka badda ee Hindiya kaga jiro la dagaalanka budhcad badeedda ay ku mutaysteen ammaan farabadan oo looga soo jeediyey dhinaca beesha caalmka ayaa waxay dad badani barbardhigayaan ciidanka badda ee shiinaha oo leh maraakiibta dagaal ee ugu badan dunida balse ka maqqan oo aan habayaraate wax door ah ku lahayn hawlaha lagaga hortagayo budhcad badeedda ama lugu sugayo amaanka marinka Badda Cas. Khabiirka arimaha badda ku xeel dheer ee u dhashay dalka Filibiin Collin Koh oo arintan ka faaloonaya ayaa waxa u ciidanka badda ee Shiinaha ku tilmaamay bilaash xayte ah waxaanu yidhi “Ciidanna wuxu fulinaya halgal cir iyo badba isku dhafan oo uu wax ku badbaadinaya,ciidanka kalena(Shiinaha) waa mid aad mooddo in xayeysiis iyo qurux loo haysto”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*