Latest News

Baaq Qaylo Dhaan Ah Oo Laga Soo Saaray Xaaladda Abaarta Degmada Sallaxley Oo Halkii Ugu Darrayd Gaadhay

Sallaxley, August 8, 2022 (Haatufonline) – Degmada Sallaxley xaaladda abaartan ku daba dheeraatay dalka ee xidhiidhka ah illaa kal hore, waxay bishan August maraysaa halkii ugu cuslayd xagga xaalufka dhulka iyo le’eshada xoolaha u dhimanaya macaluusha, biyo la’aanta, cunto yaraan iyo nafaqqo darro baahsan oo soo waajahday bulshada ay ugu nugul yihiin carruurta yaryar, dumarka iyo dadka jilicsan ee abaartu laciifisay.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Axmed Buraale Iimaa oo ah Guddoomiyaha Degmada Sallaxley “Abaarta laba jirsatay guyaadka iyo karanta la waayay, ayaa ah masiibo uu ka siman yahay deegaanku illaa hawdka sare iyo halka ugu durugsan ee dadku u hayaami jireen ee degmooyinka kale illaa Daroor.
Dhaqan dhaqaale ahaan, Sallaxley ma laha waxsoosaar beereed oo buuran balse waxay nolosha bulshadu ku tiirsanayd neefka xoolaha, hadday wax ka iibsadaan, hadday caano diiqaan iyo haddii ay si kale manfac uga helaan ba. Waxay isugu jireen dadku xoola dhaqato iyo deegaan isaguna taas uun siyaabo kale duwan ugu tiirsanaa. Hadaba maanta khayraadkii xooluhu wuxuu u dhimanayaa tarab tarab, dadka boqolkiiba inta badan way ka baxeen xoolihi, ama waxaa u xaraysan xayeesh ruqanaya oo aan nafi ka sarrayn. Le’ashada xoolaha waxaa ugu daran is nuugta ama irmaanka geela iyo idaha.
Saamaynta xaaladdan abaareed qaaliyawga maceeshaduna weheliyo, waxay dhaxalsiisay bulshada reer Sallaxley inay galaan xaalad dhaqaale xumo, cunto yaraan iyo duruufo qallafsan oo aan dad badani saddexda wakhti dabka wax saarin. Waxaa taagan xaalad nafaqqo darro halis, heerka ay marayso iyo tirada dhalaanka iyo hooyada usoo dhacaya oo si xawli ah usoo kordhayay illaa bishii April sida aannu xogta ku haynno, xarumaha caafimaad oo marka horeba xadidnaa, marka laga tago Cisbitaalka Sallaxley, ma jiraan xarumo u diyaarsan ka hawlgelidda la dagaalanka nafaqqo darrada.
Baraagtuna waxay u badan tahay faaruq iyo gun hoose meelaha qaar, Balliga Qoolcaday oo baryahaaba looga biyo dhaaminayay deegaannada ooman ayaa haatan gabaabsi ah. Riigga kaliya ee shaqaynaya waa kan Xarunta Sallaxley oo culays badani saaran yahay, biyuhuna adag yihiin xagga cabbitaanka dadka, mana jiraan ilo biyood kale laga gurman karo biyo dhaan degmada gudaheeda. Qiimaha foostada biyaha ah ayaa deegaannada biyo la’aantu ka jirto gaadhay SLSh 15,000-20,000, korna u soconaya halkii laga helo.
Waxaannu ku qiyaasnay in ka badan 10,000 oo qoys inay immika ku sugan yihiin xaalad cunto yaraan oo laga dayrin karo, isla markaana ay heer halis gaadhi karto aakhirka August illaa bisha September haddii aan roobabkii Karanta Ilaahay keenin ama aanu gurmad kale usoo dirin dadka. Kaamka Baracaka Sallaxley waxaa ku soo biiray barakacayaal cusub, waxaanan ku qiyaasaynaa in dadweynihii ugu badnaa ku barakacayaan gudaha degmada abaartan awgeed, waxbana aanay u diyaarsanayn.
Dawlad Hoose ahaan awoodayadu way kooban tahay marka loo eego baaxadda dhibaatada jirta ee abaartani keentay, heerka dadaalka gurmadka kale baad iyo taakulo kaleba aad buu u xadidan yahay ama aanu jirin ba. Doorkii bulshada degmada ka soo jeedda ee ganacsato, reer magaal iyo qurbajoog ba lahaa weli ma haynno.
Sidaa darteed, waxaannu ugu baaqaynnaa dhammaan cidda ay khusayso, shacab iyo dawlad ba, ganacsato, qurbajoog, hay’adaha samafalka maxalliga ah iyo kuwa kale ee ka hawlgala Somaliland, iyo dhammaan muxsiniinta dal iyo debadba in loo soo gurmado bulshada degmada Sallaxley ee abaaruhu saameeyeen, laguna baraarugo inay dadku sii wajahayaan xaalad adag oo cunto yaraaneed iyo barakac badan oo ka dhalanaya saamaynta abaarta. Wasaaradda Biyaha waxaan ugu baaqaynnaa in si degdeg ah naloogu dhamaystiro dayactirka Riigga Gaydhka oo isagu biyo dadku cabbi karaan leh, cillad aan weynayn na u fadhiya muddo dheer.
Waxaannu leennahay xisbiyada iyo dadka doorashada ka hadlaya ee buuqa siyaasadda ku foogan, miyaydaan xaaladda dalku marayo ee abaarta ka war haynin? waa ayo dadka codka laga doonayaa barrito? Miyaanay ahayn dadkan gaajada iyo harraadka u dhimanaya ee caydhoobay?.
Waxaannu leennahay ma taagna maalin doorasho iyo loolan siyaasadeed , waxaan ku jirraa marxalad innooga baahan inaan gacmaha isu qabsanno gurmadka dadkeenna iyo la tacaalidda xaaladda abaarta dad iyo duunyaba saamaysay.
Waxaannu ka warqabnaa inaan xaalufka dhulka iyo xaaladda ba’an ee abaarta laba jirsatay ku ekayn Sallaxley balse ay degmooyinka dalka badankoodu ka siman yihiin haba is dhaamaane
Waxaannu ugu baaqaynnaa dadka kharashka badan ku bixinaya hudheellada iyo arrimaha siyaasadda inay ku bixiyaan gurmadka biyo dhaanka, raashinka iyo badbaadinta nolosha dadkooda baahan ee abaartu hayso Sallaxley iyo degmooyinka kaleba ee dalka guud ahaan.
Waxaan ugu baaqayaa siyaasiinta kursi doonka ah ee dadka abaaraysan ee gobollada iyo degmooyinka mudaharaadka ugu baaqaya inay xaaladda dadweynaha reer miyiga ah iyo degmooyinka abaaraysan soo ogaadaan oo ay gurmadka kala qaybgalaan dawladda.
“Waxaan Ilaahay (SWT) ka baryaynaa inuu Raxmaddiisa Ballaadhan innoo shubo”

Connect with us on Facebook