Latest News

Baarlamaanka Somaliland Oo Dhoolatuska Milatari Ee Shiinaha Ku Tilmaamay Mid Aan Loo Baahnayn

Hargeysa, 8, 2022 (Haatufonline) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay dhoolatuska Milatari ee Shiinaha ee ku wajahan Taiwan.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somaliland Cali Xaamuj Jibriil oo war-saxaafadeed soo saaray maanta ayaa ku tilmaamay dhoolatuska milatari ee Shiinaha mid aan loo baahnay oo uga sii daraya xaalada Nabadgalyo ee gobolkaasi.

“Waxaanu ka xunahay dhoolatuska dawlada Shiinuhu ay samaynayso ee ku wajahan dhulka iyo biyaha Taiwan.

Talaabadanina waxa ay amaan daro ku abuuraysaa gobolkan.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Baarlamaanka Somaliland, kaas oo intaasi ku daray “waxaanu ugu baaqaynaa in dhinacyadu ay khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal iyo hab nabad ah.

Dhoolatuskaasi Milatarina waa mid aan loo baahnayn oo uga sii daraya xaalada”.

Connect with us on Facebook