Latest News

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Bogaadiyey Ciidamada Qaranka Iyo Maamulka Gobolka Sool Ee Gaadhay Boocame

Hargeysa, August 6, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Sool ku bogaadiyey inay gaadheen magaalada Boocaame.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay maamul goboleedka Puntland.

Waxaanu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya “Dawladda Somaliland marna inay xuduud kale iyo dawlad kale faro galin ku samayso diyaar uma aha, hadallada xanafta leh waxba ka odhan maayo, waxaan xaqiijinayaa in maamulka gobolka Sool iyo Ciidamadu gaadheen degmo ka tirsan gobolka Sool.

Qolada Puntland oo hadallo ka maqlayey waxay kala garan waayeen soo dhawayntii jiibta iyo jaanta iyo xabbada, Dawladda Somaliland waxay ku qasban tahay meel kasta oo shacabkeedu ugu yeedhaan inay tagto, dadka deegaanka amaan badan ayaannu u ahaynaa” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore.

Connect with us on Facebook