Latest News

Tirada Dadka Ay Alshabaab ku Xasuuqday Hiiraan Oo Gaadhay 20 Qof Oo Dumar Iyo Caruuri Ku Jiraan

Baladweyn,September 3,2022(Haatufonline)-Tirada dadkii ay argagixisada Alshaab ku xasuuqeen gobolka Hiraan Sabtidi aya haatan la xaqiijinaya inay gaadhay 20 qof oo ay ka midyihiin dumar iyo caruur. Xasuuqan oo ka dhacay meesha la yidhaa Afar Iroodka oo ku taala duleedka magaalada Baladweyn ayaa waxay Alshabaab dabka ku saareen 7 baabuur iyo dadki rakaabka ahaa ee la socdayba. Siday dad ku sugnaa agagaarka meesha wax ka dhaceen ay warbaahinta u sheegeen,Alshabaab waxa kale oo ay qarxyo la beegsadeen baabur ka baxday Baladweyne oo la doonayey in mayadka dadki la laayey lagu soo qaado. Falalkan waxshinimada leh ee ay Alshabaab ku kacday ayaa waxa lagu tilmaamay aargoosi ujeedadiisu tahay inay ku niyad jabiyaan dadka rayidka ah ee ku biiray maleeshiyada deegaanka ee loo yaqaan Macawislayda oo dagaaloo culusi ay iyaga iyo Alshabaab ku dhexmarayeen gobolka Hiiraan labadi bilood ee u dambeeyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*