Latest News

Alshabaab Waxay Ka Baqaysa In Macawislayda Hiiraan Lagaga Daydo Deegaanada Kale

Muqdisho,September 4,2022(Haatufonline)-Shaki kuma jiro in kacdoonka Macawislayda ee ka dhanka kooxda Alshabaab ee ka dilaacay gobolka Hiiraan uu sas ku riday argagixisada iyadoo ay ka cabsi qabaan in laga daydo gobolada kale ee dalka Somalia. Alshabaab waxba iskagamay tirin jirin ciidamada dawladda iyo kuwa Afrikaanka ah balse waxay iska ilaalin jirtay uun duqaynta cirka ee Maraykanka. Hasayeeshee kooxda Alshabaab waxay waligeedba wadnaha farta ku hayn jirtay in lagaga kaco oo lagaga dhex tooso deegaanada balaadhan ee ay gacanta ku hayaan ee ka baxsan magaalooyinka waaweyn. Waxay ka walwali jireen in inta ay dadweynuhu is-abaabulaan xabad kagala horyimaadaan oo ay iska xoreeyaan.Hadaba kacdoonka ka socda Hiiraan ee lagu abaabulay maleeshiyada Macawislayda ayaa waxa uu baqdin wayn ku riday madaxdi kooxda Alshabaab,waana sababta ay u go’aansadeen in duleedka Beledwayn lagu xasuuqo dad shicib ah oon waxba galabsan iyadoo ujeedada argagixisadu tahay in la baqdin galiyo dadyowga ku nool gobolada kale si aanay ugu dayan reer Beledweyn. Suaashu seh waxay tahay xukuumadda Somalia ee go’doonka ku ah Villa Somalia ma ka faaiidaysan doontaa xaaladdan soo korodhay.Maamulka Xasan Sheekh waxa looga baahanyahay inay godkooda kasoo baxaan oo ay gacan wax-ku-ool ah u fidiyaan is-abaabulka dadweynaha Hiiraan isla markaana dadka ku nool gobolada kale ku dhiiri galiyaan inay guntiga dhiisha iska dhigaan oo ay ku daydaan Macawislayda Hiiraan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*