Latest News

Al-Shabaab Oo Laysay 20 Qof Oo Safar Ah, 7 Gaadhi Oo Raashin Sidana Dab Qabadsiisay

Maxaas, September 3, 2022 (Haatufonline) – Ururka Al-Shabaab ayaa qudha ka jaray 20 qof oo safar ah, halka ay dab ku gubeen 7 gaadhi oo raashin ka soo qaaday magaalada Beledweyne oo ku sii jeeday degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Weerarkan uruka Al-Shabaab ay dadka badan ku laysay ayaa dhacay Xalay, kaas oo ay sidoo kalena ay ku dileen dirawaladii gaadiidka Raashinka siday ee ay gubeen.

Dawlada Somalia iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa dilkan ku tilmaamay mid Waxshinimo ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhawr maalmood ka hor gubay ceelal ku yaala gobolka Hiiraan, waxaa soo baxaya baaqyo ku wajahan in si degdeg ah loogu gurmado deegaamada masiibadaasi ka dhacday oo markii horeba la tiicayey Abaar daran.

Dadka ay argagixisada Alshaab ku xasuuqeen gobolka Hiraan Sabtidi aya haatan la xaqiijinaya inay ka mid agaayeen dumar iyo caruuri Xasuuqan oo ka dhacay meesha la yidhaa Afar Iroodka oo ku taala duleedka magaalada Baladweyn ayaa waxay Alshabaab dabka ku saareen 7 baabuur iyo dadki rakaabka ahaa ee la socdayba. Siday dad ku sugnaa agagaarka meesha wax ka dhaceen ay warbaahinta u sheegeen,Alshabaab waxa kale oo ay qarxyo la beegsadeen baabur ka baxday Baladweyne oo la doonayey in mayadka dadki la laayey lagu soo qaado. Falalkan waxshinimada leh ee ay Alshabaab ku kacday ayaa waxa lagu tilmaamay aargoosi ujeedadiisu tahay inay ku niyad jabiyaan dadka rayidka ah ee ku biiray maleeshiyada deegaanka ee loo yaqaan Macawislayda oo dagaaloo culusi ay iyaga iyo Alshabaab ku dhexmarayeen gobolka Hiiraan labadi bilood ee u dambeeyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*