Latest News

Afar Caruur Suuriyaan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Dugsi Ka Dhacay

Idlib, (Haatuf) – Ugu yaraan qof oo suuriyaan ah oo afar caruur tahay ayaa ku dhintay weerar maanta oo Arbaca ah ka dhacay dalka Suuriya kadib markii gantaal ay soo rideen ciidamada dawladda Suuriya uu ku soo dhacay Dugsi ku yaala gobolka Idlib oo ah meel ay ku xoogan yihiin Mucaaridka dawladda Suuriya.

Dadka dhibaatadu soo gaadhay ayaa waxa ku jira Afar Caruur ah oo laba ay yihiin Haween. Waxaana Iskuulka ku dhamaa Ardayda iyo Macalimiinta xiliga weerarku dhacay sida ay sheegayaan kooxaha xuquuqal insaanka iyo la socodka dagaalka Suuriya ee SOHR.

Sidoo kale weerarkan ayay ku dhaawacmeen 16 kale, waxaanu qayb ka yahay dagaalka bilaha socday ee ka dhacayey gobolka Idllib.

Wariye ka tirsan wakaalada Wararka ee AFP oo ku sugan Sarmeen ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay hadhaaga gantaalada la soo ganay kaas oo dhawr mitir dherernaa.

Sida ay sheegtay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka arimaha aadamaha ee magaciisa loo soo gaabiyo (OCHA), ayaa sheegay in tiro ka badan 235,000 qof ay barakaceen intii u dhaxaysay December 12 ilaa 25, oo ay sabab u tahay dagaalada ka socda gobolkaasi.

Waxaanay intaasi ku dareen in dagaalkan sokeeye ee mudada dheer ka socday dalka Suuriya ay ku dhinteen dad ka badan 370,000 qof tan iyo intii uu bilaabmay ee 2011.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*